Martin luther king

👉🏻MARTIN LUTHER KING
Wuxuu ahaa hogaamihii isu taagay u dagaalanka xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka si aanan rabshad lahayd, isagoo taariikhda ku galay khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee magaceedu ahayd “Waxaan ku riyoodaa” Marting Luther King waxa uu dhashay 15 kii Janaayo 1929-dii, wuxuuna siyaasadda iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda madoowga galay isaga oo dhawr iyo labaatan jir ah King waxa uu bartay culuumka diinta kiristaanka, isaga oo noqdey nin baadari ah oo ka wacdiya kaniisadaha dadka, balse waxa uu wacdigiisa u badnaa mid guubaabin dadka madoow in xuquuqdooda ay dhacsadaan, lagana joojiyo dhibaatadii lagu hayay ee xagga midabtakoorka iyo faquuqa. sanaddii 1955 tii ayuu jaamacadda Boston ka qaatay shahaadada ugu saraysa ee Phd, xiligaasi oo wixii ka dambeeyey uu si toos ah u horkacayay halgankii dadka madoow, isaga oo xiligaasi madax ka ahaa urur ay leeyihiin kaniisadaha. Talaabaddii ugu caansaneyd ee uu qaaday xiligaasi waxa ay ahayd kacdoonkii basaska ee Montgomery halkaasi oo haweeney lagu magacaabo Rosa Parks oo dadka madoow ahayd ay diidey in ay kursiga uga kacdo nin madoow ah sida uu sharciga dhigayay, kadibna la xirey, King waxa uu ku guuleystey in sharcigaasi la tirtiro. Waxaa king saameyn badan ku yeeshey falsafaddii Mahadma Gandi ee ahayd halganka aan hubeysneyn, iyada oo la qabanqaabinayo banaanbaxyo iyo dadka oo wada fariisanaya meelaha xafiisyada hortooda iyaga oo cabasho ah. King ayaa dalka Hindiya booqdey sanaddii 1959-kii si uu wax uga soo barto halgankii aan hubeysneyn eed Gandi, kadibna kusoo laabtay Maraykanka xiligaasi oo horkacay kacdoonadii ugu waaweynaa ee soo maray taariikhda Maraykanka. Waxaa aad loo xusuustaa isu soo bixii ka dhacay magaalada Washington 28dii Agoosto, 1963-dii, kaasi oo ay kasoo qeybgaleen rubuc malyuun qof oo jinsiyad kasta leh, kuwaasi oo xitaa barxadihii waaweynaa ay deeqi waayeen. King ayaa ka jeediyey khudbaddii caan baxday ee magaceedu ahaa “Waxaan ku riyoodaa” taasi oo socotay muddo 17 daqiiqo ah, kagana hadlayay rajadiisa ah Amerika oo dadka oo dhan ay wada simanyihiin, isku xuquuq yihiin, iyada oo aanan loo eegin kala duwanaanshaha midabka. October 14, 1964 ayaa King waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabadda adduunka ee Nopel Peace Price. April 4 1968 dhintey ayaa King waxaa lagu toogtey dil qaarijicin ah hotel lagu magacaabo Lorraine Motel, oo ku yaala degmada Memphis, ee gobolka Tennessee halkaasi oo uu u tagay in uu kaga qeybqaato dibad baxyo ay dhigayeen shaqaalaha nadaafadda dadka madoow ee degmadaasi. Nin lagu magacaabo James Earl Ray ayaa loo qabtay dilkii King , ninkaasi oo laga qabtay garoonka Heathrow ee London halkaasi oo ka dhoofayayay isaga oo isticmaalayay magac kale iyo jinsiyad Canada ah , kuna sii jeedey dalkii horey loo oran jirey Rhodesia oo hadda ah Zimbabwe oo waagaasi caddaanka xukumayeen. sanadii 1969 ayaa lagu xukumey 99 sano xarig ah. Halgankii uu horseedey ayaa Maraykanka ka dhigey maanta dal dadka madoow iyo kuwa caddaanka ay isku xuquuq ka yihiin, iyada oo uu haatan madaxweyne madoow ah ka taliyo Maraykanka. King waxa uu ahaa nin xikmad badan, hadaladiisiina waxa ay galeen taariikhda, waxaa ka mid ah oraahdiisii ahayd “Marka ay gudcurka tahay, ayuunbaad arki kartaa xidigaha”, waxa kale oo uu yiri “Masiibada ugu weyn ee dhacda ma ahan kuwa dambiyada geysta, ee waa kuwa ka aamusa iyaga oo arkaya khaladka dhacaya”. Boqolaal waddo oo ku taala Maraykanka ayaa loogu magacdaray, waxaa jirta ugu yaraan hal degmo oo isaga loogu magacdaray, sidoo kale taalooyin isaga lagu xusuusanayo, iyo waliba maalin qaran oo la xuso 👉🏻Waxaan filayaa inaad ka bogateen 👇🏻 https://www.instagram.com/?hl=en https://twitter.com/abdulhakiimhas2 https://m.youtube.com/channel/UClARw0R5gOfiAnmcfMgB7eg

Comments