JACAYLKII MULIYO IYO XUSEEN MEECAAD
Saylac waxay kamid tahay magaalooyinka qadiimiga ah ee geeska afrika. Waxay soo martay marxalado kala duwan, sidoo kale waxaa ku noolaa qoomiyado kala duwan, waxay caan ku ahayd saylac ganacsiga .
Reer saylac waxay samaysteen xeer ay ku dhaqmaan oo iyaga u gaar ah, way is guursan jireen. Muliyo wiil ay ilmaabti yihiin, isu da‟na yihiin ayay soo wada barbaareen, waa xuseen meecaade, ciyaarta loo yaqaan „Saylici‟ ciyaar aad loo xiiseeyo ayay ahayd, oo wakhtiyada dugsiyada la dhiganayo inta aan fasalada lagalin ayaa la ciyaari jiray, Muliyo iyo Xuseena ciyaartii ayay ku soo wada barbaareen, labadooduba ciyaartii si fiican ayay u barteen.
Wakhtigii ay baaluqeen waxaa ku habsaday jacayl, ma xumo oo ha is jeclaadaane, su‟aasha ayaa ah sidee la isku guursan doonaa?, sababtoo ah reer saylac waxa ay dhigteen xeer ku saabsan guurka.
Haddii wiilku gabadha masaafo ku soo mehersado lacala, wakhtiga uu ku soo noqdo gurigooda waa la qawrici jirey!!, ceeb maahayne waxay ahayd xeer ay wada dhigteen bulshada reer saylac. Wiilku marka uu gabadh guursanayo waxaa laga rabaa lacag gaadhaysa 50 rubood inanta aabbeheed ayaa la siinayaa, sidaa ayuu ku dhismayaa reerku.
Jacaylkooduu wuu hanaqaaday, wuxuu noqday mid ay ku dheehantahay kalsooni dhab ah, jacaylkoodii ayaa la fogaaday, waxay isla marayaan meel daran.
Wuxuu Xuseen ogaaday inay kala maarmi Karin, Muliyo waxuu u sheegay inuu u shaqo tagayo meel fog. Jacaylkana midkeenba dhankiisa ha ka ilaaliyo, axdi ayay wada galeen, dardaarrana way isku dhammeeyeen, wuxuu ku safrayaa doomaha shiraaca ah Lix bilood way fadhiyaan, lix biloodna way socdaan. Wiil kaari ka ahaa doon u kala gooshta Mumbay iyo Saylac ayuu u keenay, wuxuuna u sheegay Warqadaha uu u soo dhiibo inuu muliyo u keeno, kuwa muliyo soo dhiibtana isaga u keeno.
Wakhti yar kadib, wuxuu shaqo ka helay Mumbaay, dhanka xuseen inay warqad uga timaado waxa ay sugtaa Lix bilood, Xuseen meecaadna sidoo kale wuxuu sugaa lix bilood.
Wiilkii kaariga ka ahaa doonta ayaa u keenay goor barqo ah warqad lix bilood kadib. Intaas oo dhan cadceedii soo baxdaba waxay ka fikiraysaa Jacaylkeedii Xuseen Meecaad, warqaddii oo bushqad ku jirta ayuu u dhiibay.
Way la soo carartaa, iyadoo aad ugu hanwayn iyadoo qalbigeedu seenyaale bixinayo, dabadeena qol ay gaar u leedahay ayay hoosta ka soo xidhataa, halkaasay ku akhridaa fariintii jacaylkeedii Xuseen Meecaad, markay akhrinayso way ku raaxaysanaysaa warqadda fariinta ugu qoran.
Lixdaa bilood waxay isku sii maaweeliyaan warqadaha ay isku diraan, midkastaaba dhankiisa ayuu la muusoodaa, araggii xuseen ayay tabtay doonkasta oo soo shiraacata waxay ka filaysaa inuu la socdo xuseen.
Goor galab ah ayay tagtay dakada saylac, waxay ku hadaaqaysay “ Way reer saaxiliyo reer suurba yimiyee, doonyahay mumbaay ma birbaa ka jabayee.?
Nin ayaa u yimid Muliyo aabbeheed una sheegay inuu siiyo gabadhiisa, 50 rubood oo lacaga bixinayo. Muliyo ayuu u yeedhay aabbeheed una sheegay inuu siiyay ninkan, waxay u sheegtay inay wiil jeceshay nin kalan uu xaaraan kayahay, wuxuu waydiiyay waa kuma?, waxay u sheegtay inuu yahay inaabtigeed xuseen meecaad. Wuu yaabay !! oo abti run ah ayuu u yahay xuseen meecaad.
Muliyo aabbaheed wuxuu way diiyay aabbo sidee uga war heshaa waaka dal kaa fog joogee ? Run u sheeg jacaylkaagu habadbaado ninkana yaan lagu siin awgeed ayay tustay fariintii ugu danbaysay ee uu u soo diro jacaylkeedii xuseen wiil kaari ka ah doonta ayay u sheegtay inuu u soo dhiibo fariimaha iyaduna u dhiibto.
Wuu u fikiray si uu u kala fogeeyo Muliyo iyo Xuseen meecaad, warqad been abuur ah ayuu qoray isagoo leh; warqadni waxay ka socotaa xuseen meecaad saaxiibkii mumbayna isku guri degan yihiin ka war yahay sirta iyo jacaylka muliyo iyo xuseen meecaad.
Waxaan tacsi u dirayaa muliyo inuu dhintay saaxiibkay xuseen meecaad taarikhdu maalinkay maalin hebla ahayd in samir iyo iimaan Allah ka siiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay.
Warqaddii ayuu ku riday bushqad, wuxuuna u yimid wiilkii kaariga ka ahaa doonta, “Adeer wiilka warqadaha u kala gudbiya Muliy iyo Xuseen sow adiga maaha? Ayuu su‟aalay, haa ayuu ku yidhi. “Lacagtan hoo, waraaqadaha ay Muliyo kuu dhiibto u gee Xuseen Meecaad. Kuwa uu isagu kuu soo dhiibana badda ku dar, hoo warqadana u gee Muliyo safarkaaga danbe, haye ayuu ku yidhi safarkiisii ayuu iska galay.
Lix bilood kadib ayuu soo laabtay, sidii ay balantu ahay ee uu kula heshiiyay Muliya aabbaheed ayuu yeelay, Fariimihii muliyo wuu gaadhsiiyay xuseen, kuwii xuseena wuxuu ku daray badda.
Warqaddii ayuu u keenay, iyadoo isleh xuseen ma waxa uu odhan doonaa doontan doonta ku xigta ayaan soo saaranahay, waxay u oraday dhinicii gurigeed, iyadoo faraxsan oo dhoollo cadaynaysa.
Gurigii ayay tagtay, waxay furtay bushqadii, sidaadii ay u kala bixisay warqaddii ayay noqon wayday fartu tii uu qori jiray Jacaylkeedii Xuseen Meecaad, way akhriday waa fariin murugo xambaarsan sheegaysana inuu dhintay xuseen, samirna uu Ilaahay ka siiyo.
Iyadoo qaylinaysa ayay ka soo baxday gurigii, waa la iskugu yimid iyo maxaa kugu dhacay? Waxay u sheegtay inuu dhintay Inabtigeed Xuseen Meecaad oo markaasi jacaylkeeda dhab ta ah ahaa, xaalkeedu waa baroortu orgiga kawayn.
Muliyo aad ayay uga murugootay dhimashada Jacaylkeedii Xuseen, wali iyadoo ka soo kaban geeridii naxdinta lahayd, maalin maalmaha kamid ah waxaa u yimid aabbeheed isagoo ku leh “ Aabbo waa lawada dhiman, kaliya waa la kala horeeyaa aniguna abti ayaan u ahaa , oo adiga qudha kaama dhiman dhammaanteen ayuu inaga baxay, aabbo aniguna ninka reer saylac lacagta aan ka qaato adiguna iska guurso oo ilow inaankaa abtiga u ahaa.”
Waxba kama qabo ayay tidhi, meher deg-deg ah ayaa lagu dhuftay, hawshii arooska ayaa la gudo galay, arooskana dadajiya ayaa la yidhi, iyo waayahay qofkasta hawsha dhankii kaga soo hagaagtay ayuu ka bilaabay.
Goor galab ah ayaa la soo galbiyay caruuskii iyo caroosaddii. Reer saylac dhaqan bay lahaayeen laysku arooso, sheedda waxaa soo muuqata dooni shiraacan, waxaa saaraan xuseen meecaad, aqalka arooska markaad soo gasho dhinacaaga midig waxaa kaa qabanay sallaan yar oo gaaban si qurux badana loo sharaxay, dhinaca bidixna sidoo kale sallaan ka midigta lamid ah ayaa kaa qabanaya.
Dhinaca midig waxaa fadhiya caruuska, dhinaca bidixna waxaa fadhida caruusada oo way iska soo horjeedaan, bulshadu waxay ku ciyaarayaan ciyaarta sayliciga barxada goobta aroosku ka dhacayo.
Xuseen meecaad wuxuu ka soo dagay dekada sacadudiin, nin dekada joogay ayuu waydiiyay kumaa tahay? Iyo waa aadane adigu kumaad ahayd?, war waa xuseen meecaad, inta uu ku qoslay ayuu ku yidhi ; “ War maxaad marxuumka u toosinaysaa miyaanad Ilaahay ka baqayn.?”
Xuseen wuu yaabay oo marxuum maxay ah? ayuu ku yidhi, Aadan oo yaaban kana shikisan codku inuu yahay codkii xuseen ayaa naxay, ma ninkii aan axankiisa nucayay ayaa nool buu iswaydiiyay?, dhulkii baa la wareegay aakhiro miyaa laga soo noqdaa baa ku dhacday.
Dadka iyo dalka iiga waran ayuu ku yidhi xuseen?, in cabaar ah hadalba wuu ka soo bixi waayay aadan, wuu ogyahay muliyo in caawa aroostahay, xuseena xidhiidh ka dhaxeeyay, goor danbe ayuu u jawaabay, isagoo u sheegay in lagu fiicanyahay barwaaqo iyo bashbashna lagu jiro.
Xuseen ayaa waydiiyay muliyo iyo xaalkeeda?, balse aadan inta uu dhaqaaqay ayuu ku yidhi muliyo iyo warkeeda mahayo.
Gacantuu xuseen soo qabtay, maxaa dhacay sow ma ogid inay inabtiday tahay oo aan is jacelnahay, waliba hadda aan guursanayo miyaadan war kahayn?, waan la socdaa inay inaabtidaa tahay isjeceshihiin haddaa aroosan lahayd, laakin warkeeda mahayo, ayuu ku yidhi aadan isagoo talaabo horey u qaaday.
Xuseen mar labaad ayuu gacantiisa ku dhagay isagoo leh “ Ilaahay baan kugu dhaariyee, wax iisheeg?” aadan baa ugu jawaabay ilaahay hadaad igu dhaarisay ma maqashaa mashxarad iyo ciyaar, waa arooskii muliyo Nin ayaa guursaday, caawaa la hoynayaa Kaalay iigee ayuu ku yidhi aadan, balse wuu diiday inuu u geeyo.
Wuxuu u soo dhaqaaqay goobtii ay kaga beegnayd, mashxarada iyo codadka kala duwan ee la isku dhaafsanayo ciyaarta.
Kolba raabe ayaa soo galaya, oo waxaa lagu ciyaarayaa ciyaaro kula duwan oo wiilasha iyo gabadhuhu codad talantaali ah is waydaarsanayaan.
Waxaa la is dhaafsanayaa luuq aad u qurux badan oo ay kamid tahay, “helali waanbee, haahe helali waanbee, ayaa kulunbaa,” wax yar markuu usoo jiray ayuu la soo qabsaday isagoo cod aad u macaan ku luuqaynaya.
“indha xariiray haaha, indha qumaashe ayaa kulunbaa” Muliyo waxay garatay codkii jacaylkeedii xuseen meecaad “ku sugay suugoo, haaha ku sugi waaye, ayaa kulunbaa.” Ayay iyaduna gudaha ka soo tidhi.
Dadkii way wada aamuseen, waa loo goleeyay, muliyana goor ay joogto barxadii lagu ciyaarayay lagu war helay, way soo cararaysaa oo dadka ayay dhex jiidhaysaa, xuseena kadinka ayuu ka soo galay, waxay ku hadaaqayaan ALLA meeday!!. ALLA iwaykan.!!
Sidaadii indhaha la isku saarayba waa la isku dhagay farxad, calof ba baa layidhi, dhulkay ku dhaceen misana waa mayd.
Hawada u baneeyaa, dhakhtarka kula orda, waxaa la xaqiijiyay ugu danbayntii inay mayd yihiin, Muliyo iyo xuseen ba, waagii markuu baryay waxaa loo dareeray xabashii.
Ninkii loo dhisay muliyo ayaa yidhi si kala garasho la‟aana “oo waa mayd labaduba, oo muliyo way dhimatay”, dharkii inta uu iska bixiyay ayuu suuqa dhex orday isagoo sidii hooyadii ku dhashay ah.
Mudo yar kadib xabaashii waxaa ka baxay, laba geed loo isku maran, wakhtigan waa geed wayn oo higil ah, meel xeebna ku yaala, oo ay u soo daawasho tagaan dhammaan umada soomaaliyeed, iyo dad yow kala duwan oo booqosho ku yimaada.
-
Wax yaabaha laga dhaxlay waxaa kamid ah; gabadha reer miiyiga aan kula baxo hadaad ku tidhaahdo, qosol iyo amakaaga madaxeegay ka waynaanaysaa,
“Axdiguu xuseen xaray muliyana ha jabintidhi, iil inay u jiifaan muxuu jaahil ka ogyahay” _Abwaan sangub
Sido kaleh Fadlan kuwaan iga soo booqo 👇🏻
https://www.instagram.com/?hl=en
https://twitter.com/abdulhakiimhas2
https://m.youtube.com/channel/UClARw0R5gOfiAnmcfMgB7eg
Comments
Post a Comment