Martin luther king
👉🏻MARTIN LUTHER KING Wuxuu ahaa hogaamihii isu taagay u dagaalanka xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka si aanan rabshad lahayd, isagoo taariikhda ku galay khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee magaceedu ahayd “Waxaan ku riyoodaa” Marting Luther King waxa uu dhashay 15 kii Janaayo 1929-dii, wuxuuna siyaasadda iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda madoowga galay isaga oo dhawr iyo labaatan jir ah King waxa uu bartay culuumka diinta kiristaanka, isaga oo noqdey nin baadari ah oo ka wacdiya kaniisadaha dadka, balse waxa uu wacdigiisa u badnaa mid guubaabin dadka madoow in xuquuqdooda ay dhacsadaan, lagana joojiyo dhibaatadii lagu hayay ee xagga midabtakoorka iyo faquuqa. sanaddii 1955 tii ayuu jaamacadda Boston ka qaatay shahaadada ugu saraysa ee Phd, xiligaasi oo wixii ka dambeeyey uu si toos ah u horkacayay halgankii dadka madoow, isaga oo xiligaasi madax ka ahaa urur ay leeyihiin kaniisadaha. Talaabaddii ugu caansaneyd ee uu qaaday xiligaasi waxa ay ahayd kacdoonkii basaska e...